Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IS oo Lagu Eedeeyay Dilka Askar Mareykan ah


Meydka askar Mareykan ah oo lagu dilay Niger
Meydka askar Mareykan ah oo lagu dilay Niger

Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in kooxda ISIS ay mas,uul ka aheyd weerar todobaadki hore ka dhacay dalka Niger oo lagu dilay afar askari oo Mareykan ah.

Afhayeen u hadashay Pentagon-ka oo lagu magacaabo Col. Michelle Baldanza ayaa Arbacadi VOA u sheegtay in malleeshiyo ka tirsan Dacish ay weerar gaadma ah ku dileen ciidamo isugu jira Mareykan iyo Niger afarti bishaan.

Waxay sheegtay in marki uu weerarka dhacayay ay ciidankani kasoo laabteen kulan ay la yeesheen hogaamiyaasha dhaqanka Niger.

Wasiirka difaaca Niger ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ka dhacay meel u dhaw deegaanka Tongo Tongo ee gobolka Tillaberi. Weerarkaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sideed ka mid ah ciidamada Niger.

XS
SM
MD
LG