Isku xirrada

Laacibki hore ee aduunka Ricky Kaka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda kubadda cakta Orlando City ee dalkan Mareykanka.

Shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtay magaalada Orlando ee bartamaha gobolka Florida, ayuu xidigii hore ee kooxda AC Milan ku xaqiijiyay inuu kooxda Orlando ka tagyo marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan horyaalka Mareykanka ee loo soo gaabiyo MLS.

Kaka ma uusan soo hadal qaadin inuu ka fariisan doono gabi ahaanba ciyaaraha kubadda cakta, balse wuxuu tilmaamay inuu dareemayo in ay soo dhawaatay waqtigi uu ka nasan lahaa ciyaaraha.

Laacibkaan reer Brazil ayaa waayihiisii ugu wacnaa dhinaca kubadda cakta kusoo qaatay kooxda AC Milan oo uu ka tirsanaa inti u dhaxeysay 2003-2009.

Wuxuu kaloo usoo ciyaaray kooxda Real Madrid ee dalka Spain, ka hor inta uusan ku biirin Orlando City.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG