Isku xirrada

Kabtanka xulka qaranka dalka Holland Arjen Robben ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, kadib marki xalay uu xulkiisa ku guuldareystay inuu usoo baxo koobka aduunka.

Holland waxay 2-0 uga badiyeen xalay xulka Sweden, labadaba waxaa dhaliyay Robben, hase yeeshe kuma filnaan goolashaasi oo waxay ku dhameysteen kaalinta sadexaad.

Robben oo ah 33 jir ayaa sheegay in hadda kadib uu xooga saari doono kooxda uu u ciyaaro ee Bayern Munich.

Wuxuu ka tirsanaa xulka qaranka tan iyo sanadki 2003-dii. Wuxuu saftay 96 kulan, isaga oo dhaliyay 37 gool.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG