Isku xirrada

War Deg-Deg ah

 Portugal iyo France oo Soo Gudbay 


 Antoine Griezmann
Antoine Griezmann

Xulalka kubadda cakta ee Portugal iyo France ayaa usoo gudbay ciyaaraha koobka aduunka ee sanadka 2018-ka lagu qaban doono dalka Russia.

Portugal waxay u baahneyd guul ciyaarti ay xalay la dheeshay kooxda qaranka ee Switzerland, sababtoo ah isku dhibco ayay ahaayeen, xitaa barbarro waxaa ku harayay xulka Portugal, hase yeeshee waxay isaga reebeen 2-0.

Goolasha ay ku badiyeen mid waxaa iska dhaliyay ciyaartooy ka tirsan Switzerland oo lagu magacaabo Johan Djourou halka goolka labaad uu Portugal u dhaliyay laacibka da,da yar ee weerarka uga ciyaara kooxda AC Milan Andre Silva.

Xulka France isagu qalqiil ugama aysan jirin booska koowaad ee Group A. Waxay 2-1 ku garaaceen xulka qaranka ee Belarus. Goolasha waxaa u kala dhaliyay Antoine Griezmann iyo Olivier Giroud.

Haadiise ay France iyo Portugal soo gudbeen, waxaa sanadka soo socda ka maqnaan doona ciyaaraha aduunka, xulka Holland oo ka mid ahaa xulalki ugu caansanaa ciyaaraha aduunka 30-ki sano ee lasoo dhaafay.

Guud ahaan ciyaarihi xalay dhacay ee is-reeb-reebka koobka aduunka ee Qaarada Yurub, waxay xulalku isu wajaheen sidaan:

Group A
France 2 - 1 Belarus
Luxembourg 1 - 1 Bulgaria
Netherlands 2 - 0 Sweden
Group B
Hungary 1 - 0 Faroe Islands
Latvia 4 - 0 Andorra
Portugal 2 - 0 Switzerland
Group H
Belgium 4 - 0 Cyprus
Estonia 1 - 2 Bosnia-Herzegovina
Greece 4 - 0 Gibraltar.

Xulalka Yurub ee ilaa iyo hadda usoo baxay koobka aduunka ayaa kala ah France, Portugal, Germany, Serbia, Poland, England, Spain, Belgium iyo Iceland.

XS
SM
MD
LG