Xulka Kubad Caga-yaraha Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya tartanka koobka kubbad caga-yaraha adduunka ee dalka Tunisia ka soconaya, ayaa guul darro xanuun badan kala kulmay dhiggooda Ruushka.
Ciyaartan oo aheyd tii labaad oo ay Group C ay ka dheelaan xulka Soomaaliya, ayaa waxa daqiiqadihii loogu talagalay ay ku dhammaatay 10-1, oo Soomaaliya looga awood roonaaday.
Maalin ka hor, xulka Soomaaliya ayaa ciyaar wanaagsan ku soo bandhigay kulan ay la yeesheen dalka Brazil, inkastoo taasina looga guuleystay 3-2.
Hal kulan ayaa u harsan xulka Soomaaliya matalaya.