Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria oo Usoo Baxday Koobka Aduunka 


Xulka Nigeria
Xulka Nigeria

Xulka qaranka Nigeria ayaa noqday dalki ugu horeeyay oo Afrikaan ah oo usoo baxa koobka adduunka ee sanadka danbe lagu qaban doono dalka Russia, kadib marki ay 1-0 uga badiyeen xalay xulka Zambia.

Goolka kaliyah ee ay ku badiyeen Nigeria waxaa u dhaliyay laacibka weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal Alex Iwobi.

Guushaasi ayaa Nigeria ka dhigeysa inay ku hogaamineyso Group B, 13 dhibcood.

Waa marki lixaad oo ay Nigeria ka qeybgaleyso koobka aduunka, horay waxay u tagtay sanadihi 1994, 1998, 2002, 2010 iyo 2014.

Xulalka kale ee Africa sidaan ayey isu arkeen:

Group A
Libya 1 - 2 DR Congo
Guinea 1 - 4 Tunisia

Group B
Cameroon 2 - 0 Algeria
Nigeria 1 - 0 Zambia

Group C
Morocco 3 - 0 Gabon

Group D
South Africa 3 - 1 Burkina Faso
Cape Verde 0 - 2 Senegal

Group E
Uganda 0 - 0 Ghana

Dhinaca Yurub, kulamo ka tirsan is-reeb-reebka loogu soo baxayo koobka aduunka ayaa dhacay, waxana ay kooxuhu isu arkeen sidaan.
Group A
Sweden 8 - 0 Luxembourg
Belarus 1 - 3 Netherlands
Bulgaria 0 - 1 France

Group B
Faroe Islands 0 - 0 Latvia
Andorra 0 - 2 Portugal
Switzerland 5 - 2 Hungary

Group H
Bosnia-Herzegovina 3 - 4 Belgium
Gibraltar 0 - 6 Estonia
Cyprus 1 - 2 Greece


XS
SM
MD
LG