Isku xirrada

London: Baabuur Dhaawacay 11 Qof


London incident Museum

Wararka ka imanaya magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegaya in maanta 11 qof ay dhaawacmeen markii uu qof baabuur jiirsiiyey dad ku sugnaa Matxafka Natural History ee magaalada, halkaas oo ah meelaha ugu mashquulka badan ee dadka dalxiiska ahi ay tagaan. Booliiska ayaa markii dambe dadka u qalbi qaboojiyey, iyaga oo sheegay in ay ahayd shir baabuur oo kaliya. Booliiska ayaa dhacdadan u xiray nin gaarigii shilka geystay waday, haddana su’aalo weydiinaya.
Adeegga gurmadka ee London ayaa sheegay in dadkii dhaawacmay laga daweynayo lugaha iyo madaxa, iyada oo sagaal ka mid ah cisbitaalka loo qaaday. Booliiska ayaa sheegay in mid ka mid ah dhaawacyadu uu aad u darnaa.
Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha, Idaacadahayaga soo socda ayaan idiinku soo gudbin doonaa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG