Isku xirrada

Xulka Iceland oo Qarka u Saaraan Inuu Taariikh Sameeyo


Xulka Iceland

Xulka kubadda cakta ee dalka Iceland ayaa u qarka u saaran inuu marki ugu horreysay taariikhda u soo baxo ciyaaraha koobka adduunka, kadib marki ay xalay 3-0 uga badiyeen xulka Turkey.

Ciyaarta oo ka dhacday dalka Turkiga ayaa waxaa si weyn ugu gacan sarreeyay ciyaartooyda Iceland oo ah kuwo ay dunida baratay sanadki hore, kadib marki ay wacdaro ka dhigeen koobkii Qaramada Yurub ee 2016-ki.

Goolasha waxaa u kala dhaliyay Johann Gudmundsson, Birkir Bjarnason iyo Kari Arnason.

Iceland, iyada ayaa hadda ku hogaamineysa Group I 19 dhibcood, waxay laba buundo ka sarreeyaan xulalka Croatia iyo Ukraine oo isku heysta booska labaad.

Haddii Iceland ay Isniinta ka badiso xulka Kosovo, waxay xaqiijin doontaa booskeeda koobka adduunka.

Ciyaarihi kale ee is-reeb-reebka koobka aduunka ee xalay ka dhacay Yurub, waxay xulalku isu arkeen sidan:-

Group D

Georgia 0 - 1 Wales
Austria 3 - 2 Serbia
Ireland 2 - 0 Moldova

Group G

Italy 1 - 1 FYR Macedonia
Liechtenstein 0 - 1 Israel
Spain 3 - 0 Albania

Group I

Croatia 1 - 1 Finland
Kosovo 0 - 2 Ukraine
Turkey 0 - 3 Iceland

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG