Isku xirrada

Iniesta oo Noloshiisa u Hibeeyay Barcelona


Andrés Iniesta, oo saxiixaya qandaraaskiisa cusub

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa Jimcihi maanta saxiixay qandaraas cusub oo uu kooxda kula joogayo inta noloshiisa ka harsan.

Bayaan kasoo baxay Barcelona ayaa lagu sheegay: "Andres Iniesta wuxuu saxiixay qandaraas uu inta noloshiisa ka dhiman kula joogayo FC Barcelona”.

Iniesta oo ka hadlay sida uu u arko heshiiskaan ay isaga iyo kooxdiisa isku dhaarsadeen, ayaa sheegay in tani ay uga dhigantahay in uu sii joogayo gurigiisa.

Iniesta oo sidoo kale ah kabtanka Barcelona ayay da,diisu hadda tahay 33 sano. Wuxuu Barcelona u saftay 639 kulan isaga oo dhaliyay 55 gool.Wuxuu Barcelona ku biiray sanadki 1996-ki, isaga oo markaasi ay da,diisu aheyd 12 sano.

Ilaa iyo xilligaasi wuxuu kooxdani kula guuleystay 30 koob.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG