Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Syria oo Rajo Ka Leh Koobk Aduunka


 Syria-Iran
Syria-Iran

Xulka Qaranka ee ay la dageen dagaalada sokeeye ee Suuriya ayaa rajo ka qaba inuu ka mid noqdo 32-ka dal ee ka qeybgali doona Koobka Kubadda Cakta Aduunka ee sanadka soo socda ka dhici doona dalka Russia.

Xulka Suuriya ayaa shalay lugta koowaad ee ciyaar kala reeb ah oo ay la dheeleen xulka Australia waxay kusoo dhamaatay bar bar dhac 1-1.Waxaa goolka la hormaray Australia waxaana u dhaliyay Robbie Kruse daqiiqadii 40-aad.

Suuriya oo ku ciyaaryeysay gurigeeda ayaa aakhirkii ciyaarta iska soo magtay goolka, waxaana goolka barbaraha rigoore ugu dhaliyay weeraryahan Omar Al Somah.

Al Somah oo u ciyaara naadiga Al Ahli ee dalka Sacuudiga, saddex gool ayuu u dhaliyay saddexdi kulan ee ugu danbeeyay ee uu xulka Suuriya ciyaaray is-reeb-reebka koobka adduunka. Wuxuu goolal ka kala dhaliyay xulalka Iran iyo Malaysia.

Rajada xulka Suuriya ee ka qeybgalka koobka adduunka ayaa waxay ku xirnaan doontaa is araga labaad ee ay Talaadada soo socota la dheeli doonaan kooxda qaranka Australia. Haddii ay kasoo badiyaan ayaa waxaa wali ay ciyaari doonaan kulan kale oo kala sooc ah.

Kulankaas ayaa waxay la dheeli doonaan mid ka mid ah xulalka bartamaha iyo waqooyiga America.

XS
SM
MD
LG