Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Ciraq oo Qabsaday Magaalada Hawija


Ciidamada Ciraq ayaa magaalada Hawija iyo xaafadaha ku hareereysan ka qabsaday kooxda Daacish, inkasta oo weli dagaalo kooban ay ka socdaan bariga iyo waqooyiga magaalada, sida ay sheegeen milatariga.

Kadib qabsashada Hawija, kooxda Daacish ayaa waxa ay iminka uga hartay dalka Ciraq kaliya xaafadaha ku teedsan xuduudda dalka Syria ee dhinaca galbeed. Hawija ayaa waxa ay ku dhowdahay magaalada Kirkuk ee saliida badan, islamarkaana ay maamulaan Kurdishka.

“Ciidamada qeybta sagaalaad iyo booliska federaalka waxay xoreeyeen magaalada Hawija” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliyaha howlgallada ciidamada Ciraq Jeneraal Abdul Ameer Rasheed Yarallah.

Weerarka lagu xoreeyey Hawija waxaa wada fuliyey ciidamada Ciraq ee Mareykanka uu taageero iyo dagaalyahanada Shiicada ee Iran ay soo tababartay.

Ciidamada Ciraq ayaa howlgalka Hawija waxay billaabeen 21-ka September, waxaana magaalada ku go’doonsan 78,000 oo qof, sida ay sheegtay QM.

XS
SM
MD
LG