Isku xirrada

Argentina, Uruguay iyo Paraguay oo Fifa Dalab U diraya


Fans of Uruguay's national soccer team await the arrival of Uruguay player Luis Suarez at Carrasco International Airport in the outskirts of Montevideo, Uruguay, June 26, 2014.

Dalalka Argentina, Uruguay iyo Paraguay ayaa sheegay in ay doonayaan in ay si wada jir ah u marti geliyaan koobka aduunka ee sanadka 2030-ka la qaban doono.

Madaxa xiriirka kubadda cakta ee dalalkaan ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Buenos Aires ee caasimadda Argentina qorshahani oo hannaankiisu ay bilaabi doonaan sannadaha soo socda.

Sanadka 2030-ka ayaa waxaa boqol sano jirsan doona tartanka koobka aduunka. Ciyaaraha Aduunka ee dhinaca kubadda cakta ayaa waxaa marki ugu horreysay la bilaabay sanadki 1930-ki, waxaa markaasi martigeliyay dalka Uruguay.

Koobka aduunka ee sanadka 2018-ka ayaa waxaa lagu qaban doonaa Ruushka, halka kan ku xiga ee 2022-ka lagu qaban doono dalka Qatar.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG