Isku xirrada

Weeraryahanka koxda Chelsea Alvaro Morata ayaa lagu wadaa inuu ka maqnaado garoomada wax ka badan 5 todobaad kadib marki uu dhaawac kasoo gaaray muruqaha cajirka.

Laacibkaan heerka caalami ee dalka Spain ayaa ku dhaawacmay ciyaarti ay kooxdiisa Chelsea 1-0 ku lumisay naadiga Manchester City Sabtidii.

Dhaqaatiirta xulka Spain ayaa sheegay in Morata ay ka heleen xanuunka ku dhaca murqaha ee seeda xanuunka kaasoo ka yimaada dhaawacyada ciyaaraha. Daweyntiisa oo qaadan doonta wax ka badan hal bil ayaa hadda ka bilaabatay magaalada London.

Hadal uu ku qoray maanta bartiisa Instagram ayuu laacibkani ku sheegay inuu dib garoomada ugu soo laaban doono 14-ka October, gaar ahaan ciyaarta ay Chelsea la dheeli doonto Crystal Palace.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG