Isku xirrada

War Deg-Deg ah

London: Fal Argagax Leh oo ka Dhacay Tareen


Rakaab saarnaa tareen marayey magaalada London ayaa si argagax leh uga baxay tareen xilli mashquul badan lagu jiro ka dib markii ay aad uga cabsadeen erayo ka mid ah kutaabka beybalka Christianka oo uu aqrinayay nin rakaabka ka mid ahaa.

Arrintaasi ayaa ka dhacday boosteejada tareenka laga raaco ee Wimbledon ee koonfurta-galbeed ee magaalada London.

Dadkan ayaa xoog ku furay albaabkii tareenka ka dibna yaacay, markii ninkaasi uu billaabay in uu dhaho "geeridu kama dambays ma aha", sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii saaraa tareenka.

Wariyeheenna London Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbixitan inoo soo diray.

Dhageyso Warbixinta London
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:23 0:00

XS
SM
MD
LG