Isku xirrada

Kooxda AC Milan ayaa lagu soo warramayaa in ay bilowday baadi-goobka tababarihi beddeli lahaa macalinka hadda kooxda leyliya ee Vincenzo Montella.

Montella oo Milan hagayay tan iyo sanadki hore ayuu xaalka ku xunyahay hadda kadib marki kooxdiisa laga badiyay saddex kulan oo ka mid ah 7 ciyaarood ee ilaa iyo imminka ay ka ciyaareen horyaalka Talyaaniha ee Seria A-da.

Qaar ka mid ah wargeysyada dalka Talyaaniga ayaa Isniinti ku warramay in Milan ay la xiriirtay macallimiinta kala ah Paulo Sousa iyo Walter Mazzarri.

Inkasa oo ay agaasimaha guud ee Milan uu ku celceliyay in Montella aysan eryi doonin, hadana wararka ayaa sheegaya in taageerayaasha kooxda ay dalbanayaan in tababaraha albaabka la tusiyo.

Soussa horay ayuu usoo tababaray Fiorentia halka Mazzarri uu ahaa macallinki hore ee kooxda Inter.
Waxaa kale oo laga yaabaa in Milan ay qalqaaliso Carlo Ancelotti oo ay dhawaan uun shaqada kasoo ceyrisay Bayern Munich.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG