Isku xirrada

Mourinho: Pogba Muddo Dheer Ayuu Maqnaanaya


Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegey in Paul Pogba uu muddo dheer ciyaaraha ka maqnaan doona, sababtoo ah dhaawaca soo gaarey darteed.

Ciyaar-yahanka u dhashay Faransiiska, ayaa ka maqnaa ciyaaraha tan iyo Sept. 12, markii laga saarey ciyaartii United ay la dheeshay Basel kulan ka tirsanaa Champions League.

Mourinho, ayaa la meel dhigay dhaawaca Pogba sida kuwii Zlatan Ibrahimovic iyo Marcos Rojo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG