Isku xirrada

Mendy oo Dhaawacmay 


Manchester City v Chelsea - Premier League

Laacibka difaaca uga ciyaara kooxda Manchester City Benjamin Mendy ayaa la sheegay inuu ka dhaawacmay kala-goyska jilibka midig.

Hadal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka ayuu Mendy ku sheegay inuu muddo bilooyin ah ka maqnaan doono garoomada, balse uu si dhaqsa ah ugu soo laaban doono isaga oo kasii xoog badan sida uu hadda yahay.

Laacibkaan ayaa ku dhaawacmay ciyaarti ay kooxdiisa City Sabtidi 5-0 uga badisay kooxda Crystal Palace, taasoo ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska.

Mendy ayaa noqday sanadkaan difaaca ugu qaalisan ciyaartooyda kubadda cakta caalamka, kadib marki ay Manchester City 52 milyan oo lacagta giniga Ingiriiska kaga soo iibsatay kooxda Monaco.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG