Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Badan oo lagu Dilay Weerar lagu Qaaday Bariire


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidmada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Maleeshiyada al-shabab ayaa weerarka ku bilaabay laba baabuur ismiidaamin ah oo ay ku qarxiyeen mid ka mid ah dhowr albaab oo laga galo xeradaa oo ku taala duleedka galbeed ee Bariire.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in muddo laba saac ku dhow ay socotay rasaasta culus ee qoryaha darandooriga u dhaca, hoobiyeyaal iyo gantaalada garbaha laga tuuro.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha, Ibrahim Aden Najah, ayaa u sheegay VOA in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerarkii 1aad, hase yeeshee maleeshiyada al-shabab ay ku soo qaadeen weerar labaad kaasoo dhaliyay dagaalka xooggan.

Gudoomiyaha ma uusan xaqiijin karin qasaaraha dagaalkaasi ka dhashay, laakiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ay VOA-du la hadashay oo magacooda qariyay ayaa sheegay in tira 10 askari ka badan laga dilay ciidamada dowladda, al-shababna ay ka dhinteen sideed qof.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa tirada dhimashada askarta dowladda gaarsiineysa 15 askari.

Bariire ayaa u jirta magaalada Muqdisho 47 km dhinaca koonfur Galbeed waxaana ciidamada dowladda oo gacan ka helaya, la taliyeyaal Mareykan ah ay qabsadeen magaalada bishii August ee la so dhaafay.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa faahfaahinta sida weerarkii saakay uu u dhacay ka wareystay, Gudoomiye ku xigeenka dhinca Amniga ee maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuur Maxamed.

Wareysi: Cali Nuur
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:58 0:00

XS
SM
MD
LG