Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bayern Munich oo Ceyrisay Carlo Ancelotti


Kooxda horyaalka Jarmalka difaacaneysa ee Bayern Munich , ayaa ceyrisay tababarahoodii, Carlo Ancelotti, Khamiista, maalin uun ka dib markii ay guul darro 3-0 ay kala kulmeen kooxda Paris St Germain, kulan ka tirsanaa Champions League.

War ay kooxda soo saartay Khamiistan ayaa lagu sheegay in qaab ciyaareedka naadiga uu hoos u dhac ku yimid xilli ciyaareedkan.

Bayern, ayaa ku guuleysatay shan koob oo isku xig xiga oo Bundeslig ah, waxayna hadda fadhidaa kaalinta seddexaad ee kala horeynta horyaalka, iyadoo seddex dhibcood ka hooseysa kooxda Borussia Dortmund.

58-sano jirkan u dhashay Talyaaniga oo muddo sanad ah la joogay kooxdan, ayaa hore u soo leyliyay kooxaha Real Madrid, Juventus, AC Milan, Chelsea iyo kuwa kale.

XS
SM
MD
LG