WASHINGTON. D.C —
Laacibka daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid Raphael Varane ayaa saxiixay qandaraas kordhin cusub oo uu kooxdiisa kula sii jaagayo ilaa sanadka 2022-ka.
Varane oo u dhashay dalka France ayaa shalay qalinka ku duugay heshiis shan sana ah. Laacibkan 24-jirka ah ayaa ka tirsanaa Real Madrid tan iyo sanadki 2011-ki markaas oo uu kaga soo biiray kooxda Lens ee dalka Faransiiska.
Varane wuxuu ka midyahay laacibiinta joogtada ah ee uu ku duulayo xilli ciyaareedkan macalin Zinedine Zidane.