Isku xirrada

Kooxda hor-yaalka dalka Ruushka ku guuleystay ee Spartak Moscow, ayaa lagu soo oogey dambi la xiriira inay tageerayaasheeda ay soo bandhigeen qoraallo ay calaamado ay ku qoran yihiin erayo aan wanaagsaneyn, kadib ciyaartii bar-baraha ay la gashay Talaadadii kooxda Liverpool, kulan ka tirsanaa Champions League.

Waa markii labaad bil gudaheed ay kooxdani eedeymo ku soo oogaan urur Yurub ka tirsan oo ciyaaraha qaabilsan.

Kulankii kooxda Spartak 1-1 la gashay kooxda Slovenia ee Maribor furitaankii ciyaaraha, ayay sidoo kale soo tuureen walxo taas oo aad ugu dhaawatay in ay ku dhacdo garsoorihii ciyaartaasi oo Jermalka u dhashay, Deniz Aytekin.

Kooxda ayaa markaasi lagu ganaaxay 60,000 euros ($70,518.00) waxana laga mamnuucey in ay kulanka martida noqon doonaan November kowdeeda ay wax tikit ah laga iibiyo taageerayaasheeda, markaas oo ay Sevilla la dheeli doonaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG