Isku xirrada

Mattis: Mareykanka kama tanaasuli doono Afghanistan


Stoltenberg & Gen. Mattis in Afghanistan

Booqasho uu maanta ku tagey magaalada Kabul, ayaa xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis wuxuu ka sheegay in Mareykanka uusan gacmaha ka taagan doonin dagaalka Afghanistan.

“Innaga oo adeegsaneyna qorshaheena cusub ee Koonfurta Asia, waxaan awood u yeelan doonnaa inaan taageerno Afghanistan, ayada oo ciidamadiina ay cadaadis saari doonaan argagixisada” ayuu yiri Mattis.

“Afghanistan ugama tagi doonno cadow aan arxan lahayn, oo doonaya inay xukunka ku qabsadaan inay dadka laayaan”

Xogahayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg oo sidoo kale ku sugan Kabul, ayaa xaqiijiyey sida NATO ay uga go’an tahay Afghanistan.

“NATO kama tanaasusho dagaallada marka ay xaaladdu noqoto mid adag, waan kasoo baxnaa ballanqaadkeena” ayuu yiri.

Qorshaha cusub ee madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay bishii tagtay ee Afghanistan, ayaa kaalin wanaagsan xaaladda dalkaas ka cayaarsiinaya dalalka deriska, oo India ay ku jirto.

Kabul ayaa ah lugta labaad ee booqasho uu Mattis ku marayo Koonfur Asia, oo kasoo billaabatay magaalada New Delhi ee India.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG