Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulaha Juventus oo Sanad La Ganaaxay


Juventus
Juventus

Gudoomiyaha kooxda Juventus Andrea Agnelli ayaa guud ahaan ciyaaraha laga joojiyay muddo sanad ah kadib marki lagu eedeeyay inuu tikdhada lagu daawado ciyaaraha ka iibiyay koox ka tirsan taageerayaasha Juventus balse lala xiriiryay inay ka tirsanyihiin burcadda maafiyada.

Xiriirka kubadda cakta Talyaaniga ayaa sidoo kale Agnelli ku ganaaxay 20 kun oo euro, halka Juventus la dul dhigay ganaax lacageed oo gaaraya 300 oo euro.

Kooxda Juventus iyo gudoomiyaheeda Agnelli ayaa labaduba racfaan ka qaadan doona ganaaxa la saaray.

Go,aankan ayaa kusoo beegmay maalmo yar kadib marki Agnelli loo magacaabay gudoomiyaha Xiriirka Kooxaha Kubadda Cakta Yurub.

XS
SM
MD
LG