Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caruur Lagala Soo Qaxay Shabaab oo Baydhabo Tagay


Tobannaan carruur ah ayaa la sheegay inay gaareen magaalada Baydhaba iyaga oo kasoo cararaya ururka Al-Shabab. Caruurtan ayaa la sheegay in soo baxsashadoodu ka dambaysay markii Al-Shabab ay ugu tageen dusgiyada Qur’aanka ayna u sheegeen inay kaxaysanayana si ay uga mid noqdaan maleeshiyada kooxda.

Haaruun Macruuf ayaa waraysi la yeeshay mid ka mid ah carruurta soo baxsatay oo sheegay inuu yahay 15, magaciisana aan u qarinay sababo dhinaca amniga ah.

Dhageyso Caruur Shababa ka So baxsatay
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:16 0:00

Haddaba Cabdishakur Yacquub Ibraahim ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ee soo dhoweeyey carruurtaasi oo uu sheegaya inuu ka mid yahay wiil uu dhalay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in carruurta badankoodu ay kaoso carareen tuulooyin ku wareegsan magaalada Bardaale ee gobolka Bay. Haaruun Macruuf ayuu uga warramay tirade ardayda soo baxsatay.

Dhageyso Xildhibaan ka hadlaya arrintaas
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:49 0:00

XS
SM
MD
LG