Isku xirrada

Warar goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan ciidmada xoogga dalka lagu dilay degmada Waaberi.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay idaacadda VOA in dablay hubaysan ay toogteen Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Sheekh oo ka mid ah saraakiisha hoggaanka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Jeneraalka waxa lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa waxaana la sheegay in la weeraray xilli ay kasoo baxeen masaajid.

Dablayda ayaa goobta ka baxsatay.

Jeneraalka oo lagu naanaysi jiray Qururux ayaa la sheegay inuu hore u ahaa Taliye xigeenka saadka ciidanka xoogga.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG