Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhulgariir ka Dhacay Kuuriyada Woqooyi


Dhulgariir kooban ayaa ka dhacay dalka Kuuriyada Woqooyi, meel u dhow goob lagu tijaabiyo hubka Nukliyeerka, waxaana loo malaynayaa in arrintani ay tahay mid si dabiici ah isaga dhacday ee aanay la xidhiidhin tijaabo dhinaca hubka Nukliyeerka ah, sida ay sheegeen dalalka la deriska ah.

Hay’adda la socodka cimilada ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in haddii dhul gariirkani ka dhalan lahaa dhacdooyin uu aadamuhu gacan ku leeyahay in la ogaan lahaa, hase ahaatee aan illaa haatan warkaas la haynin.

Waaxda Maaraynta dhul gariirada dalka Shiinaha ayaa iyada lafteedu sheegtay in dhulgariirkani aanu xidhiidh la lahayn tijaabo dhinaca hubka ah.

XS
SM
MD
LG