Shiinaha, ayaa sheegtay Sabtida maanta inay xaddidi doonto batroolka ay u dhoofiso Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu hoggaansanto cuna qabateyntii golaha ammaanka ee QM ay ku soo rogeen Kuuriyada Waqooyi, taas oo la xiriirtay horumarinta gantaalada Nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi.
Wasaaradda ganacsiga Shiinaha war ay soo saartay oo lagu daabacay websitekooda ayaa lagu sheegey batroolkii ay u dhoofin jireen Pyongyang lagu xaddidi doono laba milyan oo barmiil sanadkii, laga billaabo Oktober kowdeedii.
Batroolka loo dhoofiyo Kuuriyada Waqooyi, ayaa la rumeysan yahay in ay u adeegsato horumarinta dhaq-dhaqaaqyadeeda Nukliyerka ee ay QM cuna qabateyn ku soo rogtay, sida lagu sheegay warka wasaradda ganacsiga ka soo baxay.