Isku xirrada

Fatahaado Ka Bilowday Peurto Rico


An ambulance drives on a flooded street in the aftermath of Hurricane Maria in San Juan, Puerto Rico, Sept. 22, 2017.

Saraakiisha maamulka Puerto Rico ayaa ka bilaabay qeybta galbeed ee jaziirada daad gureyn ay dadka uga daadgureynayaan basas, kadib marki ay khubarada saadaasha hawada ka digeen halis kasoo socota biya xireen weyn oo bilaabay fatahaad.

Biya xireenka Guajataca ayaa Jimcihii billaabay inuu karkaarada jabsado, waxaana saraakiishu ay u sheegeen dadka in ay deegaanada u dhaw dhaw biya xireenkaasi isaga baxaan.

Shaqaalaha koontaroola biya xireenka Lake Guajataca ee dhaca waqooyigalbeed ee Puerto Rico ayaa ku warramay fatahaada biya xireenku ay biloowdeen galabnimadii Jimcihii shalay.

Saraakiisha ayaa sheegay in qiyaastii 70 kun oo ruux ay u baahanyihiin in si dhaqsa ah looga samatabixiyo aagaasi.

Fataahadahan ayaa waxaa sababtay duufaanta Maria oo maalmahanba garaaceysay gobolka Peurto Rico ee uu maamulo Mareykanka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG