Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bayern Munich oo Badinwayday 


 Ciyaartooyda Bayern Munich
Ciyaartooyda Bayern Munich

Kooxda ugu guulaha badan horyaalka Jarmalka ee Bundesliga Bayern Munich ayaa iyada oo gurigeeda ku ciyaaraysay ka badin wayday naadiga Wolfsburg oo ay ku kala baxeen bareejo 2-2 ah.

Kulankani oo ka tirsanaa horyaalka koowaad ee dalka Jarmalka ayaa waxaa hogaanka ciyaarta daqiiqadii 12-aadba la wareegtay Bayern. Goolka hore waxaa rigoore ku saxiixay Robert Lewandowski halka kan labaadna uu dhaliyay Arjen Robben.

Laakin Wolfsburg isma aysan dhigan oo waa ay ka daba tagtay waxaana goolasha ay ku bareejeysay u kala dhaliyay Maxi Arnold oo saxiixay gool bilisyoone ahaa iyo Daniel Didavi oo madaxa ku dhaliyay.

Bar barahan ayaa Bayern biday in ay wali kusii nagaato kaalinta labaad. Waxay isku dhibca yihiin Broussia Dortmund oo ay farqiga goolal badnaashaha kaga hogaamineysa Bayern. Labaduba waxay leeyihiin mid 13 dhibcood.

Inta badan ciyaara horyaalka Jarmalka ee Bundesliga ayaa dhici doona birri galab iyo habeen danbe kooxuhuna waxay isu arki doonaan sidaan.

Hoffenheim ? - ? Schalke 04
Mainz 05 ? - ? Hertha Berlin
RasenBallsport Leipzig ? - ? Eintracht Frankfurt
VfB Stuttgart ? - ? Augsburg
Werder Bremen ? - ? Freiburg
Borussia Dortmund ? - ? Borussia Moenchengladbach

XS
SM
MD
LG