Isku xirrada

Gundogan oo Mar Kale Dhaawacmay


Ilkay Gundogan

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester City Ilkay Gundogan ayaa garoomada ka maqnaan doono muddo todobaadya ah kadib marki uu jilibka ka dhaawacmay Arbacadi.

Laacibkani heerka caalami ee dalka Jarmalka balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga ayaa dhaawac dartii garoomada uga maqnaa muddo sagaal bilood ah ka hor inta uusan si rasmi ah ugu soo laaban ciyaaraha Arbacadi shalay, balse nasiib darro dhaawac kale ayaa haleelay.

War maanta kasoo baxay Manchester City ayaa lagu sheegay in dhaawaca cusub ee Gundogan uusan aheyn sida kii hore. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu tababarka bilaabi doono xidigani maalmaha foodda nagu soo haya.

Gundogan ayaa dhaawacmay kaddib marki ay isku dhaceen ciyaaryahan Claudio Yacob inti ay socotay ciyaar ka tirsaneyd koobka EFL oo ay kooxdiisa City la dheeshay naadiga West Brom.

XS
SM
MD
LG