Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milan oo Qandaraaska u Kordhineysa Suso


Susoiyo qaar ka mid ah laacibiinti hore ee Milan
Susoiyo qaar ka mid ah laacibiinti hore ee Milan

Laacibka baalka midig ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda AC Milan Suso ayaa ogolaaday heshiis cusub oo ku kordhinayo qandaraaska uu kula joogo naadiga.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya inuu Suso lasii joogo Milan ilaa laga gaarayo sanadka 2022. Taasi badalkeeda waxaa sare u kici doona mushaarkiisa oo noqon doona saddex milyan oo Yuro sanadkiiba, halka uu hadda qaato hal milyan iyo nus.

Suso oo ah 23 jir u dhashay dalka Spain ayaa noqday tan iyo xilli ciyaareedki lasoo dhaafay mid ka mid ah laacibiinta ugu wanaagsan horyaalka Talyaaniga.

Dhawaan waxaa lagu daray xulka qaranka Spain.

XS
SM
MD
LG