Isku xirrada

War Deg-Deg ah

London: Qarax ka Dhacay Xarun Tareen


Ciidamada booliska hubeysan ee London ayaa tagey xarunta dhulka hoostiisa ee tareenada laga raaco ee Parsons Green kadib markii qarax uu ka dhex dhacay tareen, xilli dadku shaqo aadayeen.

Warbaahinta gudaha ayaa werisay in qarax ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo badankood gubtay, islamarkaana uu dhaliyey in dadku is buurtaan.

Qeybta ka hortagga argagixisada ee booliska ayaa sheegay in dhacdadn ay u baarayaan inay tahay mid argagixiso.

Qarax ayaa u muuqday inuu ahaa mid macmal ah oo guri lagu soo sameeyey, waxaana weli isa soo taraya wararka la xiriira dhacdadn.


XS
SM
MD
LG