Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baaritaan lagu sameynayo rabshadihii garoonka Arsenal


Arsenal
Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa baaritaan ku sameyn doonta rabshado xalay ka dhacay garoonkeeda ka hor kulankii Cologne, kuwaasi oo sidoo kale shan qof loo xiray.

Billowgii cayaarta ayaa waxaa dib loo dhigay muddo hal saac ah kadib markii 17,000 oo taageerayaasha kooxda Jarmalka ee Cologne ay garoonka Emirates yimaadeen ayaga oo aan wadan tikidho.

Kooxda Cologne ayaa waxaa la siiyey kaliya saddex kun oo tikit, waxaana taageerayaasha oo isku gadaamay banaanka garoonka ay ka hor istaageen kuwa kooxda Arsenal inay galaan.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuu filayo in UEFA ay baaritaan ku sameyso arrintan.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu la yaabay in cayaartaas la qabtay kadib rabashadihii dhacay, inkasta oo markii dambe ay kooxdiisa ku adkaatay 3-1.

XS
SM
MD
LG