Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liverpool oo Ku Kuftay Etihad Stadium 


Sergio Aguero
Sergio Aguero

Kooxda Liverpool ayaa guuldarro culus kala soo laabatay magaalada Manchester kadib marki ay kooxda Manchester City dhabarka u soo saartay 5 iyo 0 ciyaar ka tirsaneyd todobaadka afraad ee horyaalka Premier League-ga dalka Ingiriiska.

Liverpool ayaa ku ciyaareysay 10 laacib ka gadaal marki kaarka casaanka laga siiyay weeraryahankooda Sadio Mane oo wajiga haraati kaga dhiftay goolhaye Ederson xilli uu rabay inuu kubad ka dul qaado.

Bandhiga goolasha waxaa City u daah furay weeraryahan Aguero, isaga ayaana baasay goolka labaad oo uu shabaqa ku hubsaday Gabriel Jesus, goolka sadexaad waxaa ku daray isla Jesus, halka labada gool ee ugu danbeysana uu kusoo khatimay weeraryahanka kale ee Man City Leroy Sane.

Guushaasi ayaa lagu tilmaamay in ay aheyd tii ugu culeys ee ay Manchester City ka gaarto kooxda Liverpool tan iyo 1937.

Dinaca kalana, Arsenal ayaa heshay guul ay u baahneyd kadib marki ay 3-0 ku dubatay kooxda Bournemouth. Laba ka mid ah goolasha waxaa saxiixay Danny Welbeck, halka goolka kalana uu dhaliay laacibkooda cusub ee reer France Alexandre Lacazette.

Waxay aheyd guushi ugu horreysay ee ay soo xareyso kadib laba guuldarro oo isku xigta oo kasoo kala gaartay Stoke iyo Liverpool.

Chelsea oo difaacanaysa horyaalnimada ayaa 2-1 isaga reebtay kooxda Leicester City. Goolasha ay Chelsea ku badisay waxaa kala dhaliyay Alvaro Morata iyo N'Golo Kante, goolka calana Leicester waxaa u keenay Jamie Vardy.

Kooxaha kale ee waaweyn ee badiyay waxaa ka mid ah Tottenham oo 3-0 liqsiisay kooxda Everton. Waxaa si weyn uga soo muuqday kulankaasi weeraryahanka reer England Harry Kane oo dhaliyay laba gool, sidoo kale waxa uu buuxiyay goolkiisii boqlaad ee uu u dhaliyo kooxda Tottenham. Goolka kale waxaa Tottenahm u keenay Christian Eriksen.

Hadii kooxaha waaweyn intooda badani ay guulo soo hooyeen, waxaa la taakeeyay oo badin weysay kooxda horyaalka hogaamineysa ee Manchester United oo hal dhibic kala soo laabatay guriga kooxda Stoke kadib marki ay labada koox isku mari waayeen barbarro 2-2 ah.

Ciyaaraha kalana Brighton & Hove Albion waxay 3 - 1 uga badisay West Bromwich Albion halka ay Southampton 2-0 ku khasaartay Watford.

Horyaalka Ingiriiska waxay kooxuhu u kala horreeyaan sidan:

1 Manchester United 10
2 Manchester City 10
3 Chelsea 9
4 Watford 8
5 Tottenham Hotspur 7

XS
SM
MD
LG