Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo Badisay Iyo Real oo La Taakeeyay


Messi
Messi

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn kasoo hoysay kulanki ay xalay la dheeshay naadiga Espanyol, kaasoo ay guushu ku raacday 5-0.

Saddex ka mid ah goolasha waxaa ku fara-yareystay xidiga reer Atgentine Lionel Messi oo xaqiijiyay saddexleeydii 38-aad ee uu u dhaliyo Barcelona tan iyo marki uu bilaabay ciyaaraha heerka 1-aad.

Goolasha kale waxaa kala dhaliyay Gerard Pique iyo Luis Suarez oo lugta la helay kubad uu u baasay laacibka cusub ee Barcelona Ousmane Dembele oo badal kusoo galay.

Dembele, ayaa ah laacibka labaad ee ugu qaalisan ciyaartooyda ku xamaalata kubbada cakta aduunka. Bishi hore ayuu ku biiray Bareclona oo £135.5m kaga soo iibsatay Broussia Dortmund.

Guushaasi aadka u lixaadka weyn ayaa Barcelona u dhiibtay hogaanka horyaalka Spain ee La Liga oo ay hadda ku hor kaceyso 9 dhibcood. Waxaa kusoo xigta Sevilla oo leh 7 dhibcood. Kooxda horyaalka difaacaneysa ee Real Madrid waxay ku jirtaa kaalinta lixaad oo waxay leedahay shan buundo.
Real shalay ayey bar barro 1-1 ah la gashay kooxda Levente.

Ciyaarihi kale ee shalay iyo xalay dhacay ee horyaalka Spain, kooxuhu waxay isu arkeen sidaan:

Sevilla 3 - 0 Eibar
Barcelona 5 - 0 Espanyol
Galabta iyo caawana waxaa jiri doona kulamo kale, waxana kooxuhu ay isu arki doonaan sidan:

Deportivo La Coruna ? - ? Real Sociedad
Athletic Bilbao ? - ? Girona
Celta Vigo ? - ? Alaves
Villarreal ? - ? Real Betis

XS
SM
MD
LG