Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IRMA oo la Filayo inay Florida ku Dhufato


Gobolka Florida ee dalkan Maryakanka ayaa waxaa saacadaha soo socda ku soo wajahan duufaanta IRMA oo ah duufaan dabeylo xoog badan iyo roobab wadata.

Badhasaabka gobolka ayaa xaaladda halis ku tilmaamay, waxaana malaayiin qof oo gobolka ku nool la armay inay meelaha ay duufaantu ku wajahan tahay ka baxaan.

Magaalada Bradenton, ee gobolka Florida oo ah meelaha ay duufaantu ku wajahan tahay waxaa ka jira qax iyo cabsi xoogan.

Dadkii deganaa magaalada ayaa ka qaxay, balse dadka ku harey ayaa waxaa ka mid ah Dr. Qaali Cabdalla Xuseen oo ah dhaqtar qaliin, kana howlgasha Isbitaalka magaaladasi ee Balake Medical Centre, halkaas oo shaqaalaha heegan buuxa la galiyey.

Qaali Cabdalla iyadu caruurteedii way ka bixisay magaalada.

Sahra Cabdi Axmed ayaa Qaali ka wareysatay guud ahaan xaalka magaalda iyo duufaanta halkaasi laga filayo.

Dhageyso wareysiga duufaanka IRMA
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:42 0:00

XS
SM
MD
LG