Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweeney Uur Lahayd oo lagu Dilay Marka


Marka, Somalia
Marka, Somalia

Kooxo hubeysan ayaa degmada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose waxaa la sheegay inay ku dileen haweenay uur lahayd oo ka mid ahayd ganacsatada khudaarta keena magaalada Marka.

Cabdalla Maamow Cumar oo haweenaydaasi ay walaalo yihiin ayaa VOA u sheegey in kooxdaasi inta aysan dilin haweenaydan ay kufsadeen.

Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar Macalin oo isna VOA la hadlay ayaa dilka iyo dhaca gabadhaasi xaqiijyay, wuxuuna sheegay in aysan xaqiijin karin in uu jirey kufsi.

Haddaba, sida ay wax u dhaceen ayuu wariyaheenna Jamaal Axmed Cismaan ka wareystay Cabdalla Maamow iyo guddoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar, waxana ku horeynaya Maamow.

Haweeney lagu dilay Marka
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:00 0:00

XS
SM
MD
LG