Isku xirrada

Al-Shabaab oo Afar Qof ku Gowracay Lamu


Ugu yaraan afar qof ayaa Arbacada maanta lagu gowracay deegaanka Lamu ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha county-ga Lamu Gilbert Kitiyo ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay deegaanka Silini-Mashambani, halkaas oo saddex ka mid ah lagu dilay. Qofka soo haray ayaa guddoomiyuhu sheegay in lagu dilay tuulada Bobo.

Falkan waxa sheegtay ururka Al-Shabab ee saldhigiisu uu dalka Somalia yahay. Afhayeenka ururka ee dhinaca hawgalka military, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in ururku uu falkan ka dambeeyey, isaga oo tirada dhimashadana ka dhigay 5 qof.

Wararkan oo ay qoreen wargeyska The Washington Post iyo wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in, isla deegaankan, bil ka hor, lagu gowracay 12 qof.

Guddoomiye Kitiyo ayaa sheegay in 30 qof oo aad u hubeysani ay guri guri u galayeen iyaga oo dadka ay raadinayaan magacyadooda ku dhawaaqaya, ka dibna inta ay la soo baxeen, gowaracay.

Guddoomiyaha Lamu Gilbert Kitiyo ayaa intaas ku daray in dadka weerarka soo qaaday ay ku labisnaayeen dharka militariga, ayna wateen qoryaha AK-47ka.

Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters qorayso, booliiska ayaa goobtii dilku ka dhacay soo gaaray, ka dibna ka qaaday meydadkii dadka la dilay si loo aaso.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG