Isku xirrada

Madaxweyne Trump oo Joojiyey Barnaamijkii DACA


Dowladda Mareykanka ayaa soo geba gebeysay barnaamij ka hor-istaagayey caruurta ama dhallinyarada aan sharciga haysan in la masaafuriyo, una ogolaanaey inay ka shaqeystaan waxna ka bartaan Mareykanka.

Saraakiisha maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in barnaamijkan oo loo yaqaan DACA, ayna ka faa’iideysanayeen 800,000 qof, aanu aqbali doonin codsiyo cusub.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ansixiyey qorshaha lagu soo geba gebeeyey barnaamijka, hase yeeshee waxaa ku dhawaaqay xeer-ilaaliyaha qaranka Jeff Sessions.

“DACA dib ayaa loola laabtay” ayuu yiri Sessions.

Tallaabada Trump ayaa meesha ka saartay amar madaxweyne oo uu shan sano ka hor soo saaray madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Dibadbaxayaal kasoo horjeeda go’aanka maamulka madaxweyne Trump, ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Washington DC, Los Angeles, New York, Denver iyo magaalooyin kale.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG