Isku xirrada

Warbixin: Dowladda Soomaaliya iyo Arrinta Qalbi-Dhagax


golaha wasiirada

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo wajahay culeysyo siyaasadeed iyo bulsho oo is xig-xigey.

Ka soo billoow dhacdadii Bariire iyo qaabkii ay dowladu uga kala hadashey dhacadaas iyo sarkaalkii ONLF ee la sheegey in ay dowladu u dhiibtey dalka Ethiopia.

Warka ku aadan dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa waxa ay dowlada ku keentey culeys iyo dhaleeceyn uga timid bulshada Soomaalida qaarkood, wax garadka iyo waliba mudanayaasha Baarlamanka.

Dawladda ayaan weli faahfaahin buuxda ka bixin qaabka u martay wareejinta sarkaalkaasi ONLF iyo sharciyada ay u codsatay.Waxaana ay arrintan ay imanaysaa iyadoo dadka qaar su’aalo iska weydiinayaan sharciyadda wareejintaasi iyo inay jireen heshiisyo ka dhexeeyey labada waddan.

Warbixintan waxaa noo diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG