Ciidamada booliska ee magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah ragga ugu waa weyn ee magafayaasha dhallinyarada ka tahriibiya Soomaaliya.
Ninkan ayey boolisku sheegeen inuu shaqaaleysiiyay ilaa iyo 200 oo dhallinyaro ah oo ku qal-qaaliya dhalinyarada inay tahriibaan.
Waxaa la sheegay in halkii qof ee ay dhallinyradaas u keenaan uu ku siin jiray lacaga gaareysa 200 oo dollar.
Wariyeheenna Maxamed Cabdi Xassan ayaa arrintan ka wareystay Col: Axmed Jaraale, taliye ku xigeenka taliyaha booliska ee Qeybta Bari.