Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arsenal oo Manchester City u Diiday Sanchez


Alexis Sanchez
Alexis Sanchez

Kooxda Arsenal ayaa diiday 50 milyan oo yuro oo ay u soo bandhigtay kooxda Manchester City oo aad u rabta weeraryahan Alexis Sanchez.

Wargeysyada kasoo baxa London ayaa ku warramay in Arsenal ay ku wargelisay Chelsea in ay iska halmaanto Sanchez haddii aysan isku soo dareyn laacibka garabka dhexe uga ciyaara Manchester City Raheem Sterling iyo malaayiin lacaga ah.

Laakin tababaha Manchester City Guardiola ayaanan ogoleyn inuu iska fasaxo Sterling oo ah xidig dhalinyara ah oo ka tirsan xulka qaranka Ingiriiska.

Sanches ayaa aad u raba inuu isaga tago kooxda Arsenal. Laacibkan u dhashay dalka Chile ayaa xiriir dhaw la leh tababare Guardiola oo ay mar ka wada tirsanaayeen kooxda Barcelona.

XS
SM
MD
LG