Isku xirrada

Chamberlain oo Ku Giirtay Chelsea


Manchester City's Pablo Zabaleta (L) fights for the ball with Arsenal's Alex Oxlade-Chamberlain during the two English Premier League teams' friendly soccer match at the Helsinki Olympic Stadium in Finland, August 10, 2013.

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain ayaa diiday inuu ku biiro kooxda Chelsea oo ku dooneysa lacag dhan afartan milyan oo yuro.

Sababaha uu Oxlade-Chamberlain ku diidayo inuu ugu biiro Chelsea ayaa lagu sheegay isaga oo ogaaday in Chelsea ay rabto inay ka ciyaarsiiso dadabka midig ee difaaca, halka isaga uu ka doorbidayo in laga ciyaarsiiyo qadka dhexe oo uu jecelyahay.

Wararka ka imanaya London ayaa sheegaya in xidigan 24-jirka ah uu rabo inuu u wareego Liverpool oo iyana ka mid ah kooxaha ku raad jooga.

Arsenal ayaa aqbashay dalabkii ay Chelsea u dirtay Isniintii. Waxaase aad loo saadaalinayaa in laacibkan uu ka tagi doono kooxda ka hor inta uusan xirmin suuqa

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG