Isku xirrada

War Deg-Deg ah

11 Qof oo ku Dhintay Shil ka Dhacay Kenya


Kenya topographic map
Kenya topographic map

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii baabuur rakaab ah iyo baabuur xamuul ay isku dhaceen, waddada Bangal-Ukasi ee deegaanka Tana River ee dalka Kenya.

Shilkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 31 qof oo kale, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen idaacadda VOA. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa la geeyey isbitalka Garissa County Referral Hospital ee magaalada Gaarisa.

Baska ayaa la sheegay inuu ka yimid magaalada Wajeer kuna socday magaalada Nairobi.

Cabdimaalik Hajir waa wariye u shaqeeya wargayska Daily Nation, waxa uu isagoo Gaarisa ku sugan khadka telefoonka ugu warramay Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Shil ka dhacay Kenya
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:25 0:00

XS
SM
MD
LG