Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bakayoko: Wax cabsi ah kama qabo Drinkwater


Bakayoko
Bakayoko

Tiemoue Bakayoko ayaa sheegay inuusan wax cabsi ah ka qabin inuu waayo booskiisa kooxda Chelsea, haddii uu kooxda kusoo biiro xiddiga kooxda Leicester City, Danny Drinkwater.

Kooxda Chelsea ayaa lagu warramay inay yabooh dhan 32 milyan oo gini u gudbisay Leicester, si ay ugala soo wareegto Drinkwater, ayada oo isku dayeysa inay xoojiso qadka dhexe ee kooxda.

Drinkwater ayaa si wanaagsan ay isku fahmeen xiddiga iminka u cayaara kooxda Chelsea N’Golo Kante, oo ay ka wada tirsanaayeen kooxda Leicester, markii ay hanatay horyaalka Premier League, xilli cayaareedkii 2015/2016.

Waxaa suurta-gal ah inay mar kale ku midoobaan qadka dhexe ee Chelsea, hase yeeshee Bakoyoko ayaa sheegay in imaanshaha Drinkwater ay wax wanagsan u tahay Chelsea.

“Aniga wax ciyaaryahan ah kama cabsi qabo. Koox walba waxay u baahan tahay in boosaskeeda lagu loolamo, taasi waxay sii horumarin kartaa cayaaryahan walba” ayuu Bakoyoko u sheegay SFR.

XS
SM
MD
LG