Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaanta Harvey oo Garaaceysa Texas


Matt Looingvill struggles with his umbrella as he tries to walk in the wind and rain, Aug. 25, 2017, in Corpus Christi, Texas.
Matt Looingvill struggles with his umbrella as he tries to walk in the wind and rain, Aug. 25, 2017, in Corpus Christi, Texas.

Duufaanta Harvey ayaa gabaldhicii Jimcihi bilowday inay garaacdo xeebaha gobolka Texas ee dalkan Mareykanka, iyadoo Dowlada Mareykankana ka digtay masiibo xoog leh oo ka dhalata duufaantan aadka u xoogan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu saxiixay bayaan qeexaya masiibo heer fadaraal ah. Wuxuu sheegay inuu si dhaw ula socdo xaaladda Texas.
Xarunta Qaran ee Duufaanada ayaa sheegtay in heerka darajada duufaanta oo awal aheyd sadex ay hadda kor ugu kacday qeybta afraad, taasoo ka dhigeysa in saacaddiiba ay duufaantu jareyso 250-km.

Gudoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in duufaanta Harvey ay noqon doonto masiibo, isaga oo uga digay shacabka inay u diyaar garoobaan fatahaad aanan caadi aheyn.

Duufaanta ayaa xalay soo dharbaaxday magaalada xeebta ku taalla ee Corpus Christi, waxaana hadda ay usoo jiheysatay dhinaca magaalada Houston iyo magaalooyinka kale ee dhaca dhinaca xeebta.

XS
SM
MD
LG