Isku xirrada

PSG oo Hogaanka u Qabatay Horyaalka France


Le joueur brésilien Thiago Silva au Paric des Princes à Paris, le 21 décembre 2016.

Kooxda Paris St-Germain ayaa durbaba hogaanka u qabatay horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, kadib marki ay 3-0 ku garaacday Saint-Etienn xalay.

Waa guushii afraad oo xiriir ah oo ay soo xeragelineyso PSG tan iyo marki uu bilowday horyaalka horraanti bishaan August.Goolasha ay ku badisay PSG laba ka mid ah waxaa saxiixay weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani.

Goolka kalana waxaa saxiixay laacibka qadka dhexe Thiago Motta. Wuxuu ahaa laad xor ah oo ka yimid xidiga ugu qaalisan aduunka Neymar.
PSG hadda waxay leedahay 12 dhibcood, waxaa kusoo xiga Monaco iyo Saint-Etienn oo leh min 9 dhibcood.

Ciyaaraha kalana intooda badan waxay dhici doonaan galabta iyo caawa fiidkii, kooxuhuna waxay isu arki doonaan sidan:

Nantes ? - ? Lyon
Amiens ? - ? Nice
Bordeaux ? - ? Troyes
Caen ? - ? Metz
Dijon ? - ? Montpellier
Toulouse ? - ? Rennes

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG