Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ibrahimovic oo heshiis cusub dib ugu saxiixay Man United


Zlatan Ibrahimovic ayaa qandaraas cusub oo hal sano ah dib ugu saxiixay kooxda Manchester United.

Xiddiga u dhashay dalka Sweden ayaa weli kasoo kabanaya dhaawac xilli cayaareedkii hore kasoo gaaray jilibka, markaasi oo uu dhaliyey 28 gool, 46 kulan oo uu saftay.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan soo laabto, si aan u dhameystiro wixii aan billaabay. Marwalba aniga iyo kooxdaba waxaan dooneynay inaan halkan sii joogo” ayuu yiri Ibrahimovic.

Tababare Jose Mourinho ayaa isna yiri “Waxaan ku faraxsaxannahay in Zlatan uu hayo waddadii uu dhaawaca uga soo kabanayey, waxaana ku faraxsanannahay in hiigsigiisa iyo khibraddiisa ay nala sii joogaan”.

Zlatan ayaa waxa uu xiran doonaa lambarka 10 ee kooxda United, oo uu banneeyey Wayne Rooney oo ku dib ugu laabtay kooxda Everton.

Lambarkiisii hore ee 9 waxaa qaatay Romelu Lukaku oo Manchester United ay lasoo wareegtay xilli cayaareedkan.

XS
SM
MD
LG