Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jayson Tatum oo ku faraxsan inuu sii joogo Boston Celtics


Jayson Tatum
Jayson Tatum

Kadib markii uu maqlay in laga yaabo inay xiisaneyso kooxda Cleveland Cavaliers ee kubadda kolayga, ayaa Jayson Tatum wuxuu sheegay inuu ka cabsaday inay suurta-gal ahayd inuu qeyb ka noqdo heshiiska ay cayaartoyda isku weydaarsadeen kooxdiisa Boston Celtic iyo Cleveland ee Kyrie Irving keenay Boston.

Hase yeeshee, Tatum oo ah cayaaryahankii saddexaad ee laga soo xushay jamaacadda bishii June, ayaa muujiyey sida uu uga faraxsan yahay inuu ka garab cayaari doono Irving oo ay ka wada yimaadeen jaamacadda Duke.

Kooxda Boston Celtic ayaa Cleveland ku wareejisay Isaiah Thomas, Jae Crowder, Ante Zizic iyo booskeeda xulashada cayaaryahanada jaamacadda ee sanadka 2018, si ay uga soo qaadato Irving.

“Waxaan daawanayey taleefishinka, oo aan ka arkay warka deg degga ah ee ku saabsan cayaartoyda ay isku bedelanayeen Boston iyo Celevland, aad ayaana u naxsanaa” ayuu yiri Tatum, oo dhowaan un u guuray gobolka Massachusetts ee Boston ay ka dhisan tahay.

“Waan yaabanaaa, waxaan arkayey magaceyga oo marar badan lasoo hadal qaaday, balse ugu dambeyn waan ku faraxsanahay inaysan kooxda ii wareejin Cleveland oo aan halkan joogo” ayuu yiri cayarayahankan weerarka ka cayaara.

XS
SM
MD
LG