Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester United oo dooneysa Ryan Sessegnon


The Bobcat Fire continues to burn through the Angeles National Forest in Los Angeles County, north of Azusa, California, Sept. 17, 2020.
The Bobcat Fire continues to burn through the Angeles National Forest in Los Angeles County, north of Azusa, California, Sept. 17, 2020.

Manchester United ayaa weli ku raad joogta xiddiga da’da yar ee kooxda Fulham Ryan Sessegnon, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu kasii cayaaro magaalada London, haddii uu ka tago Fulham.

United ayaa Ryan Sessegnon, oo 17 jir ah, muddo isha ku haysay, wuxuuna ka cayaari karaa daafaca bidix, qadka dhexe ee bidix, iyo garabka bidix.

Cayaaryahankan ayaa waxaa sidoo kale doonaya kooxo kale oo ka dhisan horyaalka Premier League oo ay ku jiraan kooxaha Liverpool iyo Tottenham.

Kooxda Fulham ayaa ku adkeysaneysa in Ryan Sessegnon, oo xilli cayaareedkii hore saftay 25 kulan oo ka tirsan horyalaka heerka labaad, uusan iib ahayn, hase yeeshee United ayaa la socon doonta xaaladda cayaaryahanka.

Ryan Sessegnon ayaa waxaa lagu qiimeyey 25 milyan oo gini, haddii Fulham ay go’aan ku gaarto inay iibiso, waxaana la sheegay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Tottenham.

XS
SM
MD
LG